Man United oo iska iibeyneysa qaar kamida Ciyaaryahanno Muhiim ah

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay iska iibiso shan xiddig oo muhiim ah iyadoo kooxda Ole Gunnar Solskjaer ay qorsheyneyso inay koox adag dhisto.

Tababarihii hore ee Molde iyo Cardiff ayaa durbaba gacanta loo geliyay 200 milyan ginni tan iyo markii uu yimid Old Trafford, isagoo la soo saxiixday Harry Maguire, Aaron Wan-Bissaka iyo Daniel James xagaagii hore iyo Bruno Fernandes iyo Odion Ighalo ay yimaadeen bishii Janaayo.

Imaatinka Fernandes ee bishii Janaayo wuxuu lahaa saameyn deg deg ah, iyadoo xiddiga reer Portugal uu dhaliyay seddex gool islamarkaana labo caawin sameeyay lixdii kulan ee ugu horeysay.

Imaatinka kubadsameeyahaan ayaa keentay in Red Devils ay 11 kulan oo guuldarro gaarto, waxaana ay haatan kaliya seddex dhibcood ka dmabeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea – in kasta oo ay jiraan calaamado su’aal ah oo ku saabsan in Horyaalka la dhameystiri doono sababtoo ah dillaaca cudurka coronavirus.

Sida laga soo xigtay Daily Mirror, Solskjaer wuxuu qorsheynayaa inuu sii wado isku shaandheynta kooxdiisa xagaaga, iyadoo shan ciyaartoy oo magac weyn leh albaabka loo furi doono.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in tababaraha Norwey uu u oggolaan doono inay kooxda ka tagaan David De Gea, Jesse Lingard, Paul Pogba, Alexis Sanchez iyo Marcos Rojo si lacagta uu ka helo dib u dhis ugu sameeyo kooxda.

Sanchez iyo Rojo ayaa labadoodaba amaah ku jooga Inter iyo Estudiantes, mana ahan qeyb ka mid ah qorshayaasha mustaqbalka Solskjaer, iyadoo labadoodaba ay ku guuldareysteen inay saameyn ku yeeshaan waqtigoodii Old Trafford.

In kasta oo sida warbixinta lagu sheegay Lingard uu ‘lumiyay kalsoonidii’ Solskjaer hadana waxaa loo oggolaan doonaa inuu helo koox cusub xili ciyaareedka dmabe.

Wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan mustaqbalka Pogba, kaasoo lix jeer ku soo bilowday ololahan sabab la xiriirta dhaawac ayaa soo kordhaya.

Xiddiga reer France ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ku laabanayo kooxdiisii hore ee Juventus, halka la aamisan yahay inuu sidoo kale diirada u saaran yahay tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane.

Si kastaba ha noqotee, horaantii isbuucaan Solskjaer wuxuu sheegay in mustaqbalka ku guuleystaha Koobka Adduunka wali uu yaalo Old Trafford.

Solskjaer ayaa yiri ka dib markii kooxdiisa ay 5-0 kaga badisay LASK, labo sano ayaa uga hartay qandaraaskiisa, hal sano oo lagu dari karaa Waxaan filan karnaa in Paul uu halkaan sii joogi doono xilli ciyaareedka soo socda.

De Gea waa ciyaaryahan kale oo fure u ah kooxda Man Utd , Xiddiga reer Spain ayaa kooxda yimid 2012 laakiin khaladaad waa weyn oo uu sameeyay xilli ciyaareedkan ayaa waxaa soo baxayay warar xan ah oo sheegaya inuu badal u noqon doono Dean Henderson xili ciyaareedka dmabe.

Goolhayaha amaahda ah ku jooga Sheffield United wuxuu sameeyay  xilli ciyaareedkan wax wanagsan oo soo jiitay kooxaha waaweyn ee Yurub.