Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxii ka dhacay gudaha diyaaradda Daallo Airlines todobaadkii hore.
Warbixin ka soo baxday xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay bartilmaameedsanayeen koox kamid ah Sirdoonka reer-galbeedka oo diyaaradda saarnaa iyo saraakiil u dhalatay Turkiga oo ka tirsan Isbahaysiga NATO.
Kooxda shabaab ayaa sheegay in sababta ay Daallo Airlines u weerareen ay tahay markii Turkish Airlines oo ahayd bartilmaameedkooda ay baajisay marar isku xiga duulimaadkeedii.
Weerarkan oo dhacay 02 Feberaayo waxaa ku geeriyoodey ninka la aaminsanyahay inuu qaraxa fuliyey oo magciiisa lagu sheegey Cabdullaahi Cabdisalaam Boorle oo ahaa 55 jir, waxaa ku dhaawacmey laba qof oo ka mid ahaa rakaabka, diyaaradda oo nabad qabta waxay dib ugu soo laabatey garoonkii ay ka duushay ee Aadan Cadde muddo 30 daqiiqo ah kadib duulimaadkeedi.
Dowladda Federaalka iyo hay’addo caalami oo baaritaanka qeyb ka ahaa ayaa farta ku fiiqay in Al-Shabaab ka danbeeyeen weerarkaas, waxaana istaagey duulimaadyo badan oo horey u tegi jirey garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadd.
Kadib qaraxii Dallo Airlines waxaa si wayn loo adkeeyey amaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, inkastoo aysan waxba ka bedelin adkeyntaas oo diyaaradihii ganacsigu weli xaniban yihiin.


