Kooxda Juventus ayaa u soo baxday afar dhamaadka Champions Leaque-ga kadib markii ay barbaro gool la’aan ah Camp Nou kula soo gashay Barcelona. Kooxda Luis Enrique ayaa markan awoodi wayday in ay wax guul ah ka gaadho Juventus waxayna macasalaamaysay tartanka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga.
Allegri iyo kooxdiisa Old Lady ayaa awooday in ay si adag Barcelona iskaga ilaaliyaan kulan ay kooxda Balaugrana wax kasta u samaysay in ay shabaqa Juventus gaadho, laakiin Barcelona ayaa 180 daqiiqo oo ay Juventus la ciyaartay awoodi wayday in ay hal gool ka dhaliso. Juventus ayaa xili ciyaareedkan oo idil laga soo dhaliyay 2 oo Champions Leaque-ga ah waxayna awooday in ay aamusiiso Barcelona oo Camp Nou marti loogu ahaa.
Juventus ayaa afar dhamaadka Champions Leaque-ga kula biirtay kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid iyo AS Monaco waxayna Juventus si geesinimo leh uga soo badbaaday imtixaankii Camp Nou ee PSG ku hoobatay. Riyadii saddexda koob ee Balaugrana ayaa si rasmi ah u soo dhamaatay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
BARCELONA (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Busquets, Rakitic, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar.
KAYDKA: Cillessen, Mascherano, Alena, Digne, D. Suarez, Gomes, Alcacer.
JUVENTUS: (4-2-3-1): Buffon; Dani Alves, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Khedira, Pjanic; Cuadrado, Dybala, Mandzukic; Higuain.
KAYDKA:: Neto, Lichtsteiner, Benatia, Barzagli, Asamoah, Lemina, Rincon.
Barcelona ayaa haystay 90 daqiiqo oo kaliya oo dhinaca kale ugu dhigi kartay natiijadii 3:0 ahayd ee Juventus ka soo gaadhay kulankii lugtii hore laakiin tababare Allegri ayaa muujiyay geesinimo wuxuuna ku dhiiraday in uu la soo shirtago shax la mid ah shaxdii uu guusha ku soo gaadhay balse waxa kaliya ee uu sameeyay ayaa ahaa in uu qorshihiisa u badiyay difaacasho markasta oo ay Barcelona kubbada lugta ku hayso.
Tababare Luis Enrique ayaa kulankan ku soo galay shaxda 4-3-3 isaga oo Jordi Alba iyo Sergi Robero doonayay in uu ku joojiyo weerarka deg dega ah ee ay Juventus baalaha weerarka ka soo qaadaysay. Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahaa mid adag isla markaana ay labada kooxood ku soo bandhigeen ciyaar adag oo qaladaadku ku badan yahay balse uu garsooruhu doonayay in ay ciyaartu iska socoto inta ugu badan.
Barcelona ayaa markiiba hayd kooxda weerarka buuxa ku jirtay sidii la filayay laakiin qorshaha Juventus ayaa ahaa mid cajiib ah iyada oo difaacasho buuxda ku jirtay balse weerarka deg dega ah ee ay Cuadrado, Dybala iyo Mandzukic ay qaadayeen ayaa markale walwal ku hayay kooxda Luis Enrique.



