Ciidanka Amaanka gaar ahaan kuwa NISA ee ka howlgala degmada Wadajir ayaa gacanta Ku soo dhigay laba Nin oo halin yaro ah la sheegay in ay doonayeen in in ay bam gacmeed ay Ku tuuraan fariisin ciidanka amnigu ku leeyahay halkaas.
Labada Eedeysane bam gacmeedyo ay wateen ayaa lagu wareejiyay Hay’adaha ay quseeso si loo marsiiyo Sharciga.
Wada shaqeynta Ciidanka ilaalada Shacabka degmada Wadajir iyo dadka deegaanka ayaa sababay in laga hor tago koox dooneysay in ay weeraro ka geystaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.



