Maxay Ka Wada hadleen Madaxweyne Deni Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay  hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada,  Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee  Go’aanka  Puntland.

Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne  Ku-xigeenka Puntland  Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada Puntland  iyo mas’uuliyiin kale.