Sida Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay wararka ku heleyso waxaa kooxo hubeysan ay gudaha suuqa Bakaaraha ay ku dhex dileen Nuur Kheyre Guutaalle oo la sheegay in uu ka tirsanaa masuuliyiinta shirkada Hilibka dhoofisa ee Som Meat.
Kooxda dilka geysatay ayaa durbadiiba goobta ay dilka ka geesteen isaga baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamada amaanka oo halkaasi ka bilaabay howlgal ay ku baadi goobayaan kooxda dilka geysatay.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkaasi waxaase dhawaanahaan magaalada Muqdisho kusoo badanaayey baacsiga ganacsatada.



