Syri Lanka oo qarka u saaran in uu dagaal ka dhaco

Gudoomiyaha Baarlamaanka Syri Lank Karu Jayasuriya ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in qalalaasaha siyaasadeed ee dalkiisa ka jira ay isku badalaan dagaallo dhiig badan uu ku daato.

“Waa in aan qalalaasahaani siyaasadeed aan ku xalinaa nidaam baarlamaani ah oo aan isugu imaanaa xarunta Baarlamaanka kana waa hadalnaa laakiin hadii aan wadooyinka oo kaliya ka sheeg sheegno xalka qalalaasahaani waxba kuma xalismayaan ilaamaa aan si sharciga waafaqsan aan u wajahno” Karu Jayasuriya.

Todobaadkii tagay ayuu maaxweyne Maithripala Sirisena kala diray golaha wasiirada dalkaasi isla markaasina R/wasaare u magacaabay ninka kaga horeeyay xilka maaxweynenimada Mahinda Rajapaksa, taasi oo dhalisay qalalaasahaani siyaasadeed.

Banaanbaxyo balaaran oo looga cabanayo is marin waagaan siyaasadeed ayaa dhawaanahaan ka dhacaayey magaalooyinka ugu weyn dalkaasi waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka bilaabdo dalkaasi.

Xiisada waxaa kaga sii daray R/wasaarihii xilka laga qaaday Wickremasingh oo ku doodaya in uu yahay R/wasaaraha sharciga ah ee dalkaasi uu leeyahay.