Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in xasaanada laga qaado xildhibaano dowladda dhexe ku eedeeyay in ay galaangal xoogan ku leedahay doorasashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in xildhibaanada aqalka sare iyo golaha sahacabka ee kasoo jeedo maamulka Koonfur Galbeed ee shalay ku shiray magaalada Muqdisho ay la yimaadaan cadeymo muuqdo oo muujinaya in dhowladda dhexe ay faragelin ku heyso doorashada Maamulkaasi.
Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsaday in xildhibaanada dowladda dhexe ku eedeeyay in hub ay u dirtay Koonfur Galbeed dad lagu dilay in maxkamada lala tiigsado ayna la yimaadaan cadaymaha ay haayaan.



