KISMAAYO:- Weerar lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa caawa weerar qorsheysan ku qaaday guri ku yaala xaafadda New Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku jireen sadex ka mid ah xubnaha Al-shabaab, kuwaasi oo qaabilsan madax jabiska sida uu baahiyay TV ku hadla Afka maamulka Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Jubaland gaar ahaan kuwa gaarka ah ee qaabilsan ladagaalanka Argagixisada ay hayeen xogta kooxdan, islamarkaana waxaa ay sheegeen in sadexdii dagaalame labo ka mid ah ay dilaan , halka kii kalana ay nolosha ku qabteen.

Raggan ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen in ay magaalada ka fuliyaan dilal qorsheysan, iyo khaarijinta xubno muhiim ah.

 

Saraakiisha ciidanka gaar ah ee howlgalka fuliyay ayaa laga soo xigtay in howlgal uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana laga hortagay khatar ay geysan rabeen kooxda Al-shabaab.

 

Howlgalkan ayaa imaanaya xili maalmaha soo aadan lagu wado in magaalada Kismaayo lagu qabto xaflada Caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe).

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa baaritaano xoog leh ka bilaabay magaalada Kismaayo, si loo adkeeyo ammaanka magaalaadaasi oo dhawaan marti gelinaysa wafuud badan tagaysa.