Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dab xalay ka kacay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Suuqa Gobonimo (oo sidoo kale loo yaqaanno Suuqa Idaacadda), waxaana Dab uu sababay burbur xooggan iyo khasaare maaliyadeed oo aad u ballaaran.
Suuqan oo ka mid ah goobaha ganacsiga ugu caansan ee Hargeysa, ayaa ah xarun muhiim ah oo ganacsato badan ay ku tiirsan yihiin, waana suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa.
Ciidanka Dab-damiska Somaliland Maamulka Magaalada iyo Shacaba oo iskaashanaya ayaa ku guulaystay in ay xakameeyaan dabka.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in weli la arkayo qiiq ka baxaya suuqa uu dabka ka kacay, islamarkaana ciidanka gurmadka dab damiska ay ku sugan yihiin.
Sidoo kale dadka ku waayay hantidooda ayaa iyaguna raadinaya goobihii ay ku shaqeyn jireen, maadaama gambi ahaanba uu basbeelay suuqa.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in Khasaare lixaad leh oo kumanaan doolar gaaraysa uu ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi’iyay suuqa labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa.
Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soonaaliland ayaa sheegay in booliska ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabkii xalay ka kacay magaalada Hargeysa.
Dabkan ka kacay suuqa Midnimo ama idaacada ayaa ku soo aadaya, xili 2022 uu dab khasaare hantiyeed iyo mid nafeed geystay oo ka kacay Suuqa ugu weyn ee Hargeysa ee Waaheen, kaasi oo baabi’iyay hanti gaaraysa malaayiin doolar, iyo dad ku dhaawac, inkastoo hadda dib loo dhisay suuqaasi.



