Khudbado laga dhageysanayo Musharaxiinta u tartamaya Xubnaha Aqalka Sare ee K/Galbeed

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta ee Gobolka Baay ayaa waxaa ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed

In ka badan 19 Musharax ayaa u taagan qabashada xilkaasi, waxaana maanta intooda badan ay khudbado ka hor jeedinayaan Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed, si ay u soo bandhigaan waxqabadkooda.

Sidoo kale xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa marka ay soo gaba gabowdo maanta dhageysiga xubnaha Musharaxiinta Aqalka Sare, in maalinta berri ah loo qaado codeyn lagu kala saarayo.

Dhowaan ayay aheyd markii Maamulka Galmudug uu si rasmi ah u soo dhameystiray xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee ka mid noqonaya Dowladda cusub.