Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Shiikh Xasan (Xaamud) ayaa maanta Magaalada Muqdisho Tababar uga furay Ciidamo Boolis ah, kuwaas oo loo diyaarinayo sugidda amniga xilliga Doorashooyinka.
Munaasabada Tababarka loogu furay Ciidankan ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo xubno kale.
Ciidanka Booliska ah ayaa Tababarka waxa uu uga furmay Dugsiga General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu Tababarkan socon doonaa mudo kooban.
Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) ayaa saraakiisha kula dar daarmay in ay ka faa’iideystaan Tababarkan, islamarkaana ay ku dabakhaan waxa ay halkaan ka bartaan goobaha loo xil saaray ilaalintooda gaar ahaan ammaanka goobaha Doorashooyinka ay ka dhacayaan.



