DEG DEG: Qarax ka dhacay Afgooye

Afgooye-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye gaar ahaan Agagaarka Buundada ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo lagu dhuftay derbiga fariisin Ciidanka Booliska iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi.

Wariyaha Risaala ee Degmada Afgooye ayaa soo sheegaya in Qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo ilaa iyo hada aaan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha Magaalada Afgooye gaar ahaan goobta uu Qaraxa ka dhacay.