Kismaayo-RisaalaFM- Magaalada Kismaayo ee xarunta ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya Xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Jubbaland.
In ka badan 19 Musharax ayaa u taagan qabashada xilkaasi, waxaana maanta intooda badan ay khudbado ka hor jeedinayaan Xildhibaanada Maamulka Jubbaland, si ay u soo bnadhigaan waxqabadkooda.
Sidoo kale xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa marka ay soo gaba gabowdo maanta dhageysiga xubnaha Musharaxiinta Aqalka Sare, in maalinta berri ah loo qaado codeyn lagu kala saarayo.
Dhowaan ayay aheyd markii Maamulka Galmudug uu si rasmi ah u soo dhameystiray xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee ka mid noqonaya Dowladda cusub.


