Garoonka Diyaaradaha Magalaada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa ku soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Waxgarad, Haween iyo xubno kale.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta kula hadlay gudaha Garoonka ayaa ka warbixiyay Doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wuxuu sheegay in Maamulka Hirshabeelle uu yahay Maamul cusub, loona baahan yahay in la taageero, isagoo si gaar baaq ugu diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaana baaqaas uu ku aadanaa sidii Ugaas Xasan uu ku taageeri lahaa Maamulkan cusub ee Hirshabeelle.



