Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken ayaa bishii Sebtembar sheegay in gargaarkan la joojin doono haddii Masar aysan wax ka qaban shuruudo gaar ah oo la xiriira xuquuqda aadanaha oo ay Washington soo bandhigtay, kuwaas oo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ay sheegeen in ay ku jirto sii deynta shaqsiyaad gaar ah oo loo arko in ay yihiin maxaabiis siyaasadeed.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay maamulka Biden in ay joojiyaan dhammaan 300 milyan oo dollar oo ah maalgelinta militariga ee la siinayo dowladda Masar ee Abdel Fattah al-Sisi.
Sisi, oo xukunka ka tuuray ururka Ikhwaanul Muslimiin sannadkii 2013, ayaa kor-jooge ka ah hawlgallada ka dhanka ah mucaaradka oo sii xoogaysanayay sannadihii u dambeeyay.



