Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo.
Kulanka oo mudo saacad ah socday ayaa Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo waxay uga wada hadleen qodobo dhowr ah.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyey Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabkeeda.
Danjiraha Midowga Yurub Veronique Lorenzo, ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan taagerada dhaqaale ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxayna caddeysay in ay la dhacsan yihiin hanaanka Maamul ay ku shaqeyso Dowladda.



