DHAGEYSO: Khayre “Maanta dad baa diidan hormarka Ummadda”+SAWIRRO

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta booqday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Sugaanta ee magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta xaruntaasi.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay dib u soo nooleynta Akadeemiyadda, ahmiyadda ay uleedahay Akadeemiyadda bulshada, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka kadib la hadlayay Arday ka kala yimid qaar ka tirsan Jaamacadaha kala duwan ee dalka oo halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay Akadeemiyaddu in ay ka shaqeyso arrimaha suugaanta, dhaqanka iyo Afka, Cilmiga iyo Waxbarasahada, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in aysan jirin Wasaarad intaas oo isku xiran ka shaqeysa.

Khayre ayaa sheegay in ay jiraan dad diidan maanta hormarka ummadda Soomaaliyeed, balse aanan loo dhutineyn Dowladduna ay ku dadaaleyso sidii nolol wanaagsan ay u heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ee uu xilka la wareegay wuxuu soo saaray wareegto ku aadaneyd in dhammaan Hay’adaha Dowladda ay ahmiyadda koowaad siiyaan Afka Soomaaliga.