Khasaaro ka dhashay Roob ka da’ay degaano ka tirsan Puntland

Waxaa xalay Roob xoogan uu ka da’ay deegaanka Xiriiro oo katirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari oo Magaalada Boosaaso ujirta 246km ee degaannada Puntland.

Isku duwaha Wasaaradda deegaanka ee gobolka Bari Jaylaani Maxamed Ismaaciil, ayaa sheegay in roobka uu gaystay khasaaro kalle oo hantiyadeed balse aan la hayn xog rasmi ah.

Hayeeshee wararka ay Risaala heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in hal qof uu ku geeriyooday Roobka kadib markii ay Biyuhu qaadeen, halka sidoo kale ay jiraan Goobo Ganacsi oo uu saameeyay Roobka.

Roobka dabaylaha wata ayaa ka bilowday degaannada Puntland, waxaana horay Wasaaradda degaanka Puntland ay uga digtay dadka inay galaan Badda ama ka agdhawaadaan Goobaha biyaha degaan, si aysan waxyeelo uga soo gaarin.