Dhowr qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba tareen oo marayay beer bariiska ah oo ku taal gobolka Cicalengka ee dalka Indonesia.
Muuqaal ay duubtay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa muujinaya googa’a tareenka safarka degdega ah iyo tareenka rakaabka ah oo isku dhacay.
Shilalka la xiriira Tareenada ayaa aad ugu yar inay ka dhacaan Caalamka, hayeeshee markii ay dhacaan ay dhaliyaan khasaaro xoogan oo aad u farabadan, kuwaas oo siwyen looga dareemo dalka uu ka dhacay.



