Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo saaka ku dhexmaray Magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag Ciidamo kala taabacsan Maamulka Puntland iyo Soomaaliland.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaas uu ahaa mid kedis ku bilaawdey,isla markaana Ciidamada dagaalamay ay kala wateen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen Soomaali iyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ugu magacaaban Somaliland Maxamuud Xaamud.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas uu ku geeriyoodey hal askari halka laba kale ay ku dhaawacmeen,sida ay sheegeen dadka deegaanka,kuwaas oo ka kala tirsan labada Ciidan ee dagaalamay.

Dagaalkaas Maanta ka dhacay Laasqoray ee gobolka Sanaag ee dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland weli kama hadlin labada Maamul,waxaana lagu soo waramayaa in ay degan tahay xaalada Goobtii lagu dagaalamay.