Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeedoo maanta ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Shilkan ayaa waxaa uu dhacay ka markii ay diyaarad sidday deeq gargaar ah oo ka baxday Muqdisho ay markii ay ku dageysay Dhabaha diyaaradaha ay wadada ka baxday .
Sidoo kalr, Illo Xog ogaal ah oo u warramay warbaahinta Risaala ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ka baxday dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha ee garoonka, taas oo keentay inay shilka gasho diyaaradda .
Diyaarada ayaa saarnaa waxaan saarnaa afar ruux oo shaqaalaha UN- ka gaar WFP waxana geeriyooday mid ka mid ah shaqaalihii diyaarada .
Shilka Diyaaradda ayaa loo malaynayaa in uu sababay kadib markii ay lug u bixi weysay xilli ay ku degi rabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Ceelbarde.
basle waxaa dhaawac uu soo gaaray caawiyihii diyaaradda oo goobta shilka ka dhacay laga qaaday
ciidamo ka tirsan kuwaAmniga Koofur galbeed ayaa tagay goobta uu shilk ka dhacay waxaana haata degna xaalada .
Ma jiro, wax war ah oo kasoo baxay Maamuka Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan shilkaasi diyaaradeed ee maanta ka dhacay Ceelbarde ee gobolka Bakool .