Khasaare ka dhashay Qaraxa ka dhacay Tiyaatarka

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax xoogan oo maqribnimadan ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Kontoroolka Tiyaatarka.

Qaraxan ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qaraxa laga soo buuxiyay, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku geeriyoodeen 5 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasi oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Gaariga Qarxay nuuciisa in uu ahaa Hoomey ama Caasi, kaasi oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, balse wleli saraakiisha ammaanka ma sheegin nuuca Gaariga Qarxay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxana ay halkaasi ka qaadeen dadkii ku waxyeeloobay Qaraxan.