Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ku Qarxay Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.
Qaraxan ayaa waxaa si weyn looga maqlay nawaaxiga uu ka dhacay, sida ay Risaala u sheegeen dadka Degaanka.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay Qaraxan, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Gaadiidka gar gaarka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay wadaan daad gureynta dadkii Qaraxaasi ku waxyeeloobay.
Buuq iyo saxmad xoogan, ayaa hadda ka jirta goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana laga maqlayaa Rasaas ay kor u ridayaan Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida oo goobtaasi ku sugan.


