Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay wadada xiriirisa Degaanada Biyo-cade iyo Miir-taqwe.
Qaraxann aya nuuciisu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana uu haleelay mid ka mid ah Gawaarida Carada iyo Dhagaxyada qaada, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.
Inta la xaqiijiyyay Qaraxan ayaa waxaa ku geeryoodey 1 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 Qof oo kale.
Wadada uu Qaraxan ka dhacay ayaa waxaa isticmaala oo mara Gawaarida Ciidanka AMISOM, weli Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe kama aysan hadlin dhacdadan.