Khasaare ka dhashay doon ku degtay Haradda Victoria

Toban qof ayaa la soo wariyay in ay dhinteen Tobannaan kalana waa la la’ yahay ka dib markii doon ay ku degtay Bad yarta Victoria ee dalka Uganda.

Doonta oo ahayd nuuca lagu dalxiiso ayaa ku degtay meel ku dhaw Mpatta oo ka tirsan Degmada Mukono, ee Uganda.

Afhayeenka Booliska Mr Emilian Kayima ma sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan.

Booliiska ayaa  sheegay “Cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Uganda ayaa badbaadiyay in ka badan 40 qof, halka  tobanna ay dhinteen, kuwa kalana la la’yahay, kadib markii doontii ay saarnaayeen ay ku degtay Victoria”.

Bishii Sebtembar, doonta MV Nyerere ee laga leeyahay Tansaaniya ayaa sidaan oo kale ugu degtay Victoria, markaa oo ugu yaraan ay ku geeriyoodeen 224 qof.

Goobjoogayaal ayaa AFP u sheegay in doonta rakaabkii saarnaa ay u dhaqaaqeen dhinac dhinac, sidaasna ay ku degtay, inkastoo qaarkoodna ay ku eedeeyeen kabtanka, in uu sabab u ahaa in ay degto doontan.

Sanadkii 1966, in ka badan 800 qof ayaa naftooda ku waayay Victoria markii doon nuuca MV Bukoba ah ay ku degtay tuulada Mwanza, sida ay sheegtay Laanqeyrta Cas.