Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Gaashaanle oo hoostaga Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Maleeshiyaad ka kala tirsan Xoolo dhaqato iyo dad beeraley ah, waxaana uu yimid kadib markii uu soo kala dhexgalay muran afka ah.
Inta la xaqiijiyay Dagaalkan 3 Qof ayaa ku dhimatay, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.
Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa hada ah mid degan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyadii Dagaalamay, inkastoo waxgaradka labada dhinac ay wadaan wada hadalo nabadeed.


