Ceel-waaq-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Degmadaasi ay ku dagaalameen Maleeshiyo Beeleed halkaasi wada dega.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ay sii xogeysatay colaad halkaasi ka taagneyd, taas oo timid kadib markii shalay Degmadaasi lagu dilay Nin ka mid ahaa Dadka Deegaanka.
Inta la xaqiijiyay 6 Qof ayaa ku dhimatay Dagaalkan halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen inka badan 10 Qof oo kale, sida ay Risaala u sheegeen Mas’uuliyiinta Caabud-waaq.
Dhinacyadii dagaalamay ayaa weli waxa ay isku horfadhiyaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana markale laga cabsi qabaa in halkaasi uu Dagaal kale ka qarxo.


