Wafdi gaaray Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe maanta waxaa gaaray Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, Siyaasiyiin iyo xubno kale.

Wafdigan waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, Kan Degmada, Waxgarad iyo xubno kale.

Mas’uuliyiinta maanta gaaray Magaalada Jowhar waxaa ka mid ah Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya C/qaadir Cosoble, Musharax Aqalka Sare Prof. Cismaan Maxamuud Dufle, wasiiru Dowlayaasha Maaliyadda iyo Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale iyo C/llaahi Maxamed Nuur,Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cismaan Maxamed Daallo iyo xubno kale.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu wadaa in bishan Novembar horaanteeda ay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ka dhacaan doorashooyinka Aqalka sare iyo Aqalka Hoose.