Qandala-RisaalaFM- Inkastoo xaalada Degmada Qandala ee Gobolka Bari ay tahay mid degan ayaa hadana Mas’uuliyiinta Maamulka Degmadaasi ayaa waxa ay sheegayaan in dhibaatooyin kala duwan ay heystaan dadkii ka barakacay Degmada Qandala.
Qandala ayaa waxaa gacanta ku haya xoogag ka tirsan ururka Daacish, waxaana kulaalaya oo Degmada hareeraheeda ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland, oo qaab Efentari ah ku doonaya in ay ku weeraraan Degmadaasi.
Gudoomiyihiii hore ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari iminkana ah xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada ee Degmadaasi Saciid Waaberi ayaa sheegay in guud ahaan Degmada ay haawaneyso, islamarkaana aysan jirin dad ku sugan.
Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa wacad ku maray in Daacish aanay sii heysan karin Degmada Qandala ee Gobolka Bari.


