Beledweyne-RisaalaFM- Degaanka Baali oo 6-KM ujira Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkan oo saakay bilowday ayaa socday mudo saacado ah, waxaana uu u dhaxeeyay Labo Maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega.
Dadka Degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Dagaalka in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku dhimatay 4 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.
Dhinacyadan ku dagaalamaya Magaalada Beledweyne ayaa la sheegay Dagaalkooda in uu salka ku hayo dhul daaqsimeed iyo ceel-biyoodyo oo ay isku heystaan.
Wariyaha Risaala ee Magaalada Beledweyne ayaa soo sheegaya in hada xaaladu ay tahay mid degan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyadii dagaalamay.
Dhowaan ayay aheyd markii Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Ciidanka AMISOM ee ku sugan Hiiraan gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo Dagaal beeleedyada ka socda Gobolka Hiiraan.


