DHAGEYSO: Gen. Xaamud “Waan diyaar garownay sugidda amniga Doorashada”

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen suggida amniga xilliga Doorashada.

Waxa uu sheegay in ay diyaareen Ciidamo Boolis ah, kuwaas oo mudooyinkii u dambeeyay Tababar balaaran ku qaadanayay Magaalada Muqdisho.

General Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo isku dhaf ah, kuwaas oo isugu jira Boolis, Nabad sugid iyo Militari.

Taliye Xaamud ayaa sheegay in ay rajeynayaan Doorashooyinka sanadkan ka dhacaya Soomaaliya in ay ku soo dhamaadaan, si wanaagsan, oo aan laheyn arbushaad.

Shabaab ayaa horey u sheegay in carqaladeyn doonaan Doorashooyinka sanadkan ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.