Kenya-RisaalaFM- Ciidanka Booliska Dalka Kenya ayaa saaka Howlgallo balaaran waxa ay ka wadaan Degaano hoos yimaada Degmada Mandera ee dalka Kenya, ka dib markii ay soo baxday cabsi ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku sugan yihiin Degmada Mandera.
Taliyaha qeybta Booliska Degmada Mandera ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalladan lagu baadi goobaayo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan weerar dhaba gal ah u geysta Ciidanka Dowladda Kenya ee ku sugan xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.
waxa uuna sheegay in ay jiraan dad badan oo lagu tuhmayo in ay Shabaab xiriir la leeyihiin oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka dowladda Kenya, sidoo kalena baaritaano lagu sameyn doono.
Ciidanka Kenya ayaa sidoo kale saaka howlgallo ka wada Degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari oo ay ka mid yihiin Fiino, Lafeey iyo Degaano kale.
Taliyaha Ciidanka Mandera ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan howlgallada ay ka wadaan Degmada Mandera iyo sidoo kale Degaanada hoos yimaada .
Saraakiisha dhanka amniga dalka Kenya ayaa sheegay in ay jiraan weeraro ku soo wajahan dalka kenya, sidaas darteedna dowladda looga baahan yahay in ay laba jibaarto xaqiijinta amniga.
Shabaabka ayaa horey u sheegay inta Ciidanka Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya in aysan joojin doonin weerarada iyo Qaraxyada ay ka geysanayaan gudaha Dalka Kenya.


