Khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhacay Janaale

Janaale-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaray Degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen fariisimo Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Janaale.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan, taasi oo sababtay in Dagaalka uu socdo mudo saacado ah, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku geeryootay dad ka badan 10 Qof, oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay Ciidamada Dowladda markii hore Shabaab in ay kala wareegeen degaanka Janaale, balse dib ay uga baxeen, taasi oo ilaa hada sababteeda aanan la ogeyn.