Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka dhacay Gedo

Gedo-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay Ciidanka AMISOM iyo Shabaab, kaasi oo ka dhacay duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa barqanimadii maanta ka qarxay Degaanka Birta Dheer oo 11-KM u jira Magaalada Garbahaarey, ka dib markii ay Shabaabku soo weerareen Ciidanka Xoogga Dalka, oo wadada ka saaraayay Miinooyin ay Shabaabka ku aaseen.

Taliyaha Guutada 9-aad ee Qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka Maxamed Caddow Cali (Sanka), ayaa horkacayay Ciidankii goobtaasi u tagey in ay Miinooyinka ka saaraan, balse uu weerarku qabsaday.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa inoo sheegay Dagaalkaasi in ay ku dileen laba Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan, maadaama markii horeba ay ku tala galeen in uu weerar qabsan karo.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu soo kala gaaray labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay, maadaama Dagaalka uu ahaa mid aad u culus.