Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo sidoo kale Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa maanta Booqday Dekedda weyn ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku jiraan gargaar dowladda Turkiga ay ugu deeqday Shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo sidoo kale Mas’uuliyiintii dowladda ee goobta tagay oo si wadajir ah Saxaafadda ula hadlay waxa ay sheegeen in dhawaan la qeybin doono deeqdaasi gargaarka ah ee dowladda Turkiga ay ugu deeqday Shacabka Soomaaliyeed.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in deeqdaasi dhawaan la bilaabi doono qeybinteeda, islamarkaana si wadajir ay bulshada Soomaaliyeed u gaarsiin doonaan Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo sidoo kale Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Cilmi Cumar Ceysane ayaa dhankiisa sheegay in deeqdaasi sidii loogu tala galay loo qeybin doono, isagoona sheegay in Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ay deeqdaasi kala wareegeen, waxaana uu sheegay Madaxda dowladda ay la socon doonaan sida deeqdaasi loo qeybiyo.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Xuseen Xasan ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan Guddiga loo xilsaaray qeybinta gargaarka, hadii ay si cadaalad ah u bixin waayaan.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sameyn doonto Keydadka Biyaha si looga baxo Abaaraha ka jira Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay gargaarkan ka yimid Dowladda Turkiga in si cadaalad ah loogu qeybin doono shacabka dhibaateysan.



