Ciidamada difaaca Kenya ee qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay iney dileen saraakiil Al-shabaab ka tirsan kadib markii ay weerareen saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen gobolka Gedo.
Weerarka ayaa ciidamada Kenya waxay sheegeen iney ka geysteen saldhig ciidamada ku lahaayeen deegaanka SIDIMO, waxaana AMISOM ay sheegatay iney saraakiil kamid ahaayeen dadka weerarka ku dhintay.
Qoraal lagu daabacay wargeyska the Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa isaga oo soo xiganaya saraakiil Kenyan ah wuxuu sheegay in weerarka lagu dilay 20 kamid ah Al-shabaab kuwo kalana ay baxsadeen iyaga oo dhaawac ah.
Dadka dhintay ayaa Kenya waxay sheegtay inuu kamid ahaa nin magaciisa lagu sheegay Macalin Shariif oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka farsameynta waxyaabaha qarxa, kaasi oo bartilmaameydka uu ahaa, sida Kenya ay sheegtay.
Weerarka ayay Kenya sheegtay iney kusoo qabsadeen 16 kamid ah qorshaha AK47. 6 waxyaabaha qarxa ah iyo 8 qoryaha garbaha laga rido, sida saraakiisha Kenya ah sheegteen.
Al-shabaab ayaanan ka hadlin warka kasoo baxay dowlada Kenya, balse todobaadkii lasoo dhaafay Alshabaab ayaa beeniyay hadal kasoo Kenya oo ahaa iney dileey Mahad Karataay madaxa sirdoonka Al-shabaab.