Kenya oo sheegtay in ay ka feejigan tahay Weerarada Al Shabaab

Dowladda Kenya ayaa sheegtay  in ay ka feejigan tahay Weeraro qorsheysan oo Xarakada Al Shabaab ay ka geystaan Magaalooyinka Mombaza, Nairobi  iyo sidoo kale Saldhigyada ay ku leedahay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya , islamarkaana ciidankeeda ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya iyo Sidoo kale xadka ay wadagaan labada dal.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay heshay xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorshanayaan weeraro ay ka geystaan dalka Kenya , gaar ahaan magaalooyinka Mombaza iyo Mandera ee gobolka Waqoo Bari ee dalka Kenya.

Taliyaha guud ee ciidanka Difaaca dalka kenya Samson Mwathere  ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Kenya ay ku jirto feejignaan dheeri ah , islamarkaana ciidankeeda ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ka ilaaliyaan in ay kasoo gudbaan xadka wadaagaan labadal.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidanka joogga saldhigyada dalka Kenya in ay muujiyaan Feejignaan dheeri ah madaam ay suurta gal tahay in Xarakada Al-Shabaab ay kusoo qaadaan weeraro gaadmo ah.

Waxaa uu sheegay Samson Mwathere in dowladda Kenya ay laba jibaartay howgallada ay ka wado xadka Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii ay kordheen weerarada ay qaadayaan Al-Shabaab.

Sikastaba dhawaan ayay aheyd markii dowladda Kenya boqolaal ka mid ah Askarteeda ay soo dhoobtay Xadka ay  wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya