Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaalada u dhaxeeya puntland iyo Galmudug ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxaa uu ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan islamarkaana aysan dhibaateyn shacabka walaalaha ah ee kunool Gaalkacyo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in marka laga soo tago maamulka Puntland iyo Galmudug in shacabka kunool gobolka Mudug ay heshiiyaan oo ay xal ku dhameeyaan colaada ka dhaxeysa.
Dhanka Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Sidoo kale Soomaaliland.
Waxaana uu sheegay in Somaliland ay mar hore ka go’aday Soomaaliya ,islamarkaana Soomaliya iyo Somaliland ay yihiin labo dal oo deris ah.


