Galmudug oo ka hadashay War kasoo baxay QM

Ka dib war kasoo baxay Qaramada Midoobey oo looga hadlay xubnaha Aqalka Sare ee dowlad Goboleedyada dalka Kajira in aysan  ku soo dari karin dadka lagu eedeeyay in ay yihiin dagaal oogayaal horay uga soo qeyb qaatay burburka Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa ka hadlay maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka  Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan xaq laheyn inay dalbado muwaadin Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Galmudug ay doorteen in laga saaro Liiska Aqalka Sare.

Liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Xubno Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay yihiin dagaal oogayaal, waxaana arintaasi si weyn uga dhiidhiyay Qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka .

Shalay ayaa Waxaa soo baxday Warqad lagu  sheegay in ay kasoo baxday Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya oo maamulka Galmudug looga codsanaayay in tartanka ka reebaan madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeyb diid.

Warqadaasi ma cadda in ay kasoo baxday Xafiiska Wakiilka, Galmudug ayaa ku doodaysa in xubnaha Aqalka Sare ay ku yimaadeen rabitaanka Shacabka kunool deegaanada maamulka Galmudug.