Kenya ayaa maanta xaqiijisay 213 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Korona.
kiisaskan ayaa ah kuwii ugu badnaa ee la xaqiijiyo maalin gudahood tan iyo markii uu cudurka ka dilaacay dalkaas.
Kenya guud ahaan dadka uu ku dhacay cudurka waxay gaarayaan 4,257 qof.
Dowladda Kenya ayaa sheegay in cudurka uu xoogeystay ka dib markii dhawaan ay qaaday xayiraadii ay kusoo rogtay qaar ka mid ah Magaalooyinka.
Kiisaska ugu badan ee Cudurka Covid 19 ee dalalka Afrika ayaa waxaa hoggaaminaysa dalka Koonfur Afrika.



