Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Magaalada Hobyo kusoo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka yimid magaalada Muqdisho.
Wafdiga ee hoggaaminayaan Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Ahmed iyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Baarlamaarka Soomaaliya Mudane Mahad Cawad ayaa iskugu jiray xubno ka socda labada aqal ee baarlamaanka , odoyaasha dhaqanka iyo ganacsato reer Galmudug ah.
Madaxweynaha ayaa caawa kulamo kala duwan la leh Siyaasiyiinta gaaray Hobyo, waxaana looga hadlaya dhismaha dekedda Hobyo sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan Kulamada.
Qoorqoor ayaa sheegay in dekedda Hobyo ay dhisi doonaan dadka degaanka Galmudug, islamarkaana codsaday in ganacsatadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay taageero u fidiyaan.
Waxaa uu sidoo kale Caawa kulamo la leeyahay waxgaradka Magaalada Hobyo oo cabasho badan ka qabay dhismaha Golaha degaanka.



