Kenya oo si rasmi ah ugu guuleysatay kursigii Golaha Ammaanka ee QM ee Africa

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu guuleysatay kursigii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee Africa.

Waxay kaga guuleysatay dalka Jabuuti oo la gashay tartan adag.

Kenya ayaa heshay 129 cod halka Jabuuti ay heshay 62 cod.

Shirka Guddoonka Kulanka Golaha Ammaanka ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay si rasmi ah ugu guuleysatay hoggaaminta kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka labada Sano ee soo socota.

.