Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa ugu baaqay xoghayaha arimaha dibada dowladda Mareykanka in uu ka hor yimaado go’aanka ay dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.
Ka dib kulan muddo saacado ah qaatay oo ay mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka Mareykanka ay ku yeesheen dalka Mareykanka ayey warqad qoran oo ay ku cadeynayaan sida ay uga xun yihiin Kenya in ay ku hadaaqdo xiritaanka xeryaha waxay u direen xoghayaha arimaha dibada dowladda Mareykanka MR keeri.
Waxay sidoo kale sheegay in dadka qaxootiga ah ee kunool dalka Kenya aysan haysan meel ay kulaabtaan madam aysan Soomaaliya ka jirin xasilooni laysku haleyn karo.
Waxay dowaldda Kenya ay ku biiriyeen xilidhibaanadaasi ka tirsan Congareska Mareykanka in ay Kenya ka laabato go’aanka ay ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
Madaxweynaha dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegay in dalalka caalamka badankood ay ku taageereen go’aanka lagu xiraayo xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.


