Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo Muqdisho laga fuliyey

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgal ka fuliyey xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay tiro ka tirsan Shabaab oo ay ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku tuhmaayeen in ay joogeen xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Intii ay wadeen howlgalka ciidanka dowladda Soomaaliya ayey gacanta kusoo dhigeen ku dhawaad 100 qof oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin xarakada Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen waxay kala dhex baxeen 5 qof ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

Howlgalka waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed