Ka dib markii Al-Shabaab ay weerar xoogan saakay aroortii hore ku soo qaadeen degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, ayna sheegeen in ay dileen daraasiin ka tirsan Ciidanka Kenya ayaa arintaasi waxaa ka hadashay oo faah faahin dheeraad ah ka bixisay dowladda Kenya.
Afhayeenka Ciidamada Kenya Lieutenant Colonel Paul Njuguna ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay jiraan Ciidamo looga dilay weerarka, laakiin waxa uu beeniyay in laga dilay tirada ay sheegeen Al-Shabaab oo ka badan 50 Askari.
Waxaa uu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii loo xaqiijin laha khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sidoo kale Qaraxyada, isagoo sidoo kale sheegay Ciidanka Kenya in ay iska caabiyeen Al-Shabaab laakiin ay jiraan khasaare soo gaaray Ciidankooda.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay horey u heleen xogta ku aadan in Shabaab ay weerarkaku soo qaadi rabeen, taasina ay sahashay in khasaaraha uu yaraado, iyadoo sidoo kale xaqiijisay in Ciidankooda ay joogaan saldhiga weerarka uu ka dhacay.
Al-Shabaab ayaa Saaka aroortii weerar iyo Qaraxyo xoogan ku qaaday degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay sheegeen in ay qabsadeen saldhigii ciidanka dowladda Kenya ay ku lahaayeen halkaasi, islamarkaana ay ka heeleen Hub iyo sidoo kale Gaadiid dagaal, iyagoo sidoo kale sheegay in ay dileen in ka badan 50 Askari oo Kenyan ah.
Weerarka ka dhacay degaanka Kulbiyow ayaa kusoo beegmaya xilli sanadkii hore ay Al-shabaab weerar xoogan oo ay ku qaadeen degaanka Ceel-cade ay ku dileen in kabadan 100 Askari.
Ilaa iyo hada ma jiraan ilo wareedyo ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkii ka dhacay Degaanka Kulbiyow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.


