Dowladda dalka Kenya ayaa mar kale ka digtay suurtagalnimada weeraro al-Shabaab ka geystaan magaalada Mombaza, waxaana ay ciidamada ugu baaqday in ay heegan galaan.
Laamaha Amniga Kenya waxa ay sheegeen iney jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca magaalooyinka Mandheera mombaza ,sidoo kale magaalooyinka kale ee dalka Kenya.
Sarkaal sare oo u hadlay dalka Kenya ayaa sheegay in heegan buuxda la geliyey ciidamada ammaanka ee dalkaas si ay uga hortagaan qatarta Al-Shabaab.
Warbixin ay soo saareyn Ciidamada Booliska ayay ku sheegeen in dadka u shaqeeya dowladda ee ku sugan magaalada Mombaza ay muujiyaan diiraan iyo feejignaan dheeri ah.
Dowladda ayaa sheegtay in Weeraraddaasi ay maleegayaan labo nin oo asal ahaan kasoo jeedda Kenya oo hadda ku sugan degaanada ay maamulaan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ka dhanka ah dalka Kenya,tan iyo sanadkii 2011-kii xiligaas oo dalka ay soo galeen ciidamo ka socda dalka Kenya.



