Kenya oo ka cabsi qabta in dowladda Soomaaliya ay joojiso Qaadka

Sida laga soo xiganayo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Kenya , waxaana jira cabsi weyn oo ay dowladda Kenya ay ka qabto in dowladda Soomaaliya ay mar kale hakiso qaadka kaga yimaada dalka Kenya.

Wargeysyada waa weyn ee dalka Kenya oo xiriir la sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada dowladda Kenya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay joojiso qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya.

Todobaadkii lasoo dhaafay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay in ay dhagaha ka furaysatay hirgelinta Heshiiskii ay wada gaareen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaal Sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Wargeyska the Sunday in dowladda Kenya ay wali muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku hayso dhibaatooyinkii ay ka mid yihiin dhanka duulimaadyada oo labada Madaxweyne ay horay isku Afgarteen in la fududeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa fulisay heshiis ay la gaartay Kenya , waxaana ay xayiraadkii ka qaaday Qaadkii kaga imaan jiray dalka Kenya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka ,islamarkaana kasoo jeeda gobolka uu ka baxo Qaadka ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay si deg deg u hirgeliso heshiiskii ay la gaartay dowladda Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen hadii aysan dowladda Kenya hirgelin heshiiskaasi in ay suurta gal tahay in dowladda Soomaaliya ayaa xayiraad kusoo rogto Qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya.

Mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee ugu muhiimsan dowladda Kenya ayaa ah qaadka ay usoo dhoofiso dalka Soomaaliya.