Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya yaa ciidamadeeda amaanka heegan buuxa gelisay kadib markii sirdoonka Kenya ay ka war heleen qorshe ku aadan Shabaab in ay weeraro ka geysan rabaan dalka Kenya.
Ciidamo fara badan ayaa la lagu soo daadiyay xuduuda kenya ay la wadaagto Soomaaliya, si ay halkaasi ilaalo gaar ah uga qabtaan, waxaana ciidamadu ay si gaar ah u ilaalinayaan xarumaha Isgaarsiineed ee ku yaala gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Maxamuud Saalax oo ka mid ah Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in Shabaab ay wax waxlbo ka suurtoobaan, isagoo ka digay Shabaab in markale ay geystaan weerar la mid ah midkii ay ku qaadeen xarumaha Isgaarsiineed ee ku yaala deegaanka Lafey ee gobolka Waqooyi Bari.
Wuxuu sheegay sanadkii la soo dhaafay Shabaab in weeraro khasaare badan dhaliyay ay ka geysteen gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya.
Al-shabaab ayaa dagaal adag kula jira dowladda Soomaaliya iyo dowladaha garabka siiya, waxaana dhowr jeer oo hore ay weeraro ka geysteen dalka Kenya.


