Kenya oo Boolis geyneysa Jaamacadaha

Kenya-RisaalaFM- Sida ay qoreen warbaahinada gudaha ee dalka Kenya waxaa Boolis dheeraad ah la geynayaa xarumaha Jaamacadaha dalkaasi, kadib markii ay soo baxday xog ku saabsan in Shabaab ay dhalinyarada ka qortaan Jaamacadaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya ayaa sheegtay in ay heshay halka ugu badan ee Al-shabaab iyo Daacish ay Dhalinyarada ka qortaan in ay tahay Jaamacadaha dalka Kenya.

Ku xigeenka xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha dalka Kenya Thomas Sakah ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay Boolis dheeraad ah geyneyso Jaamacadaha, si looga hortago falalka Shabaab iyo Daacish ay ku diiwaangeliyaan Dhalinyarada.

Sidoo kale waxa uu sheegay Dhalinyarada laga qoro xarumaha Jaamacadaha gudaha dalka Kenya in ay ka dagaalamaan wadamada Kenya, Soomaaliya iyo Syria.

Thomas Sakah Ku xigeenka xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha dalka Kenya ayaa ugu dambeyn sheegay talaabadan cusub ee ay qaadeyso Kenya in ay wax badan ka bedeli doonto Amniga, sidoo kalena looga hortagayo Dhalinyaro badan oo la marin habaabin lahaa.